Markay dhibi taabato aadmiga wuxuu baryaa Rabbigiis (Alle Keliya) isagoo badiya u noqodka Xaggiisa (toobad keen ah), markase uu siiyo nicmo Xaggiisa ah, waa halmaamaa wuxuu ka baryey kal hore, wuxuuna u yeelaa shariigyo, si uu (u lumo oo aadmigana) uga lumiyo Jidkiisa. Dheh: Ku raaxeyso gaalnimadaada wax yar1, waxaad ka mid tahay ehlu Naarka.