Rumeeyana waxaan soo dejiyey (Qur’aanka) xaqiijinaya waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka), oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee ku gaalooba (Qur’aanka iyo Nabi Muxammad), hana siisannina Aayadahayga (ku cad Kutubtiinna ee ka hadlaya imaanshaha Nabi Muxammad) qiimo yar (si aad u qarisaan), Anigoo Keliyana iga cabsada (oo iska jira xumaha).