(Daawuud) wuxuu yidhi: Waa uu kugu dulmiyey ku weydiisigiisa laxdaada si uu ugu darsado idahiisa. In badanna oo kuwa wax isku darsada ahi way isku xadgudbaan qaarkoodba qaarka kale, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala mooyee, aad bayna u yar yihiin kuwaasu. Daawuudna wuxuu gartay inaan imtixaannay, markaa- suu ka dalbay Denbi Dhaaf Rabbigi oo la dhacay rukuuc (sujuud), una soo noqday (Alle)1 isagoo toobad keen ah.