Waxaa lagu yidhi: Gal Daarta1, markay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaasay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Anigu waxaan dulmiyey naftayda, haddase waxaan la jirka Sulaymaan u Islaamay Alle darti, Rabbiga uumanka oo dhan.