Wuxuu guddoonshay Rabbigaa inaydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo u sama fal labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darra ah haba ahaatee “uf”1, hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh.