Dheh: Ku barya Allaah ama ku barya Ar-Raxmaan, midkaad ku baridaanba (waa isku mid), Isagaa iska leh Magacyada aad u wanaagsan ee Quruxda badan. Ha la tannaagoonin (akhriskaaga) salaadda gudaheeda, hana qarasn si hoose, ee doon labadaa dhexdooda jid (dhexdhexaad) ah.