Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) Qaniimooyinka waxaa leh Allaah iyo Rasuulka. Ee Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray) oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaaf ah, adeecana Allaah iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin mu’miniin.