Ee markaad kula kulantaan dagaal gaalada ka garaaca luqumaha; markaad jabisaanna, ku adkeeya xadhigga (maxaabiista dagaalka)34>1, intaa kaddib ku sii daaya axsaan fal2 ama ha is furteen jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabaddu faafto). Waa sidaase, haddii Alle doono, Isaga Naf ahaantiisa baa ka aarsan lahaa (dagaal la'aan), waase si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale Kuwana lagu dilaa Jidka Alle marnaba (Alle) ma luminayo camalladooda.