Miyaanay idin soo gaadhin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux, Caad, Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (tiradooda) waxaan ahayn Alle. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda1 oo yidhaahdeen: Ma aaminsanin waxa la idinla soo diray, waxaanuna ka qabnaa waxaad noogu yeedhaysaan shaki daran.