Waxay ka yeesheen qaysaskoodii iyo suufiyadoodii rabbiyo Alle sokadi, iyo (sidoo kale) Masiixa ina Maryam, iyagoo la amray inaanay caabudin waxaan ahayn Allaah Keliya. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu ka sarreeyaa oo hufan yahay waxay wax la wadaajiyaan1.