Caabuda Alle hana la wadaajinina cibaadada waxba, wanaajiyana labada waalid, qaraabada, agoomaha,masaakiinta, jaarka qaraabada ah, jaarka shisheeyaha ah1, saaxiibka ku dhinac jooga, musaafirka (go’doonsan)2, iyo kuwa ay gacmahiinnu midig hantaan. Hubaal Alle ma jecla mid kastoo islaweyn, faan badan.