Alle Waa Kan idiin sakhiray badda si aad uga cuntaan hilib jilicsan (kalluun) iyo inaad kala soo baxdaan qurux aad xidhataan. Waxaadna aragtaan doonyaha oo dhex maaxaya badda gudaheeda, (wuuna idiin layliyey) si aad ugu raadsataan (sidaa) wax ka mid ah Deeqdiisa, iyo si aad ugu mahad naqdaan (af, uur iyo addinba).