Markaad aragto (munaafiqiinta) wuu ku cajab gelin muuqaalka jirarkooda; hadday hadlaanna, waad dhageysan hadalkooda, waxaad mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey1 oo dhar la huwshay. Waxay moodi dhawaaq walba in iyaga loogu dan leeyahay. Waa iyaga cadowga, ee ka digtoonow. Allaha baabbi’iyee! Xaggee looga iilay (Xaqa)?