Nabiyow! Markay kuu yimaadaan dumar mu’minooyin ah si ay kuugula ballantamaan inaysan u shariiik yeeleyn waxba la jirka Alle, inaysan wax xadeyn, oo zineysaneyn, oo aysan dileyn carruurtoo- da, oo la imaneyn masabbid ay iyagu naf ahaantoodu ku been abuuran gacmahooda iyo addimadooda1, kuguna diideyn wixii wanaag ah aad amarto, markaa aqbal ballankooda, ugana bari Allaah inuu u denbi dhaafo. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.