Ku duufsona waxooda aad karto oo ka mid ah codkaaga (hees, durbaan, kaman, qalab muusikeed la afuufo, iyo xumo ugu yeedhid kasta), oo u soo kulmi ciidamma- daada iyagoo gaadiid wata iyo iyagoo lug ku socdaba, oo la wadaag maalka (adigoo ka yeelaya inay xaaraan ku shaqeystaan) iyo awlaadda (adigoo u qurxinaya zinada iyo macsida si uu u bato fasaadka), una yabooh (ballamo been ah), umase yabooho shaydaanku waxaan dhagar aheyn.