(Xusuuso, Nabiyow) markaan kugu nidhi: Rabbigaa wuxuu koobaa dadka; kamana aynu yeelin riyadaan ku tusnay1 waxaan ahayn imtixaamid dadka, iyo geedka baasba (ee ku xusan) Qur’aanka (waa Zaquumka), oo aan ku bajinno, umase kordhiyo waxaan ahayn xadgudub weyn.