Ishkinka (xoolaha waaweyn ee loo loogo hadyi ahaanta - lo'da iyo geela) waxaan idiinka yeelnay wax ka mid ah calaamooyinka (diinta) Alle, waxaa idiinku jira khayr badan, ee ku xusa Magaca Alle korkeeda iyadoo jilib xidhan1, markay u dhacdo dhinacna (waa idiin xalaal), ee wax ka cuna, oo wax ka quudiya miskiinka dhowrsoon iyo weydiistaha, sidaasaan idiinku sakhirnay inaad ku mahdisaan (Alle).