Ma saarna eed indhoolaha, mana saarna wax eed ahi naafada, oo ma saarna eed bukaanka (haddayan u bixin Jihaadka Jidka ilaahay). Qofkiise adeeca Allaah iyo Rasuulkiisa Wuxuu gelin Jannooyin (beero) ay webiyo hoos qul-qulaan, qofkiina dhabarka jeediya wuxuu cadaabi cadaab xanuun badan.