Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Alle darteed1. Allena ma mooga waxaad falaysaan.