(Xus) markaan nidhi: Gala magaaladan (Qudus), oo wax ka cuna meeshaad doontaan bashbash iyo barwaaqo, galana albaabka idinkoo hoggaansan oo dhaha: Naga rid culeysyadayada (denbiyada), Waanu idiin dhaafi (markaa) gafafkiinna, waxaana u kordhin sama falayaasha (ajar).