Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka, xorka xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise laga siiyo cafis xagga walaalki (lagu tacaddiyey) markaa waa u raacasho ( diyo) si gar ah, waana in qiimaha magta loogu gudo si wanaagsan. Arrinkani waa fududeyn iyo Naxariis xagga Rabbigiin ah. Ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.