(Xusuusta, mu’miniintoy) markuu Alle idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood (colka ka yimid Makkah ama safarkii badeecada siday ee ka yimid Suuriya) inaad is-heli doontaan, waxaadna jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan1, Allena wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo gooyo cidhibta gaalada.