Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad Alle ka cabsataan (oo dhwortaan xilkuu idin saaray), Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), idinkana tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin denbi dhaafi, Allena waa Rabbiga iska leh Fadliga Weyn.