(Xusuusta) markuu (Alle) sababay inay lulmo idin qabato, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idiinkaga soo dejiyey biyo (roob) xagga daruuraha si uu idiinkugu daahiriyo, idiinkagana bi’iyo waswaaska Shaydaanka iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha.