Wax denbi ah kama soo gaadhayo (haweenka inaysan ka xijaaban) aabbayaashood1 ama wiilashooda, ama walaalahood, ama wiilasha walaaahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, iyo waxay gacantoodu midig hanato, Allena ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray). Hubaal Alle waa Mid wax waliba u jeeda oo arka.