Hubaal, Rabbigiin waa Allaah ee ku abuuray samooyinka iyo arlada lix maalmood, markaas dul ahaaday Carshiga korkiisa, Isagaa maamula arrinka 'uunka dhammaan'. Ma jiro shafeece Idankiisa kaddib ma’ahee; Kan Weeye Allaah, Rabbigiin, ee caabuda Isagoo Keliya, Miyaydaan waansamayn?