(Waxaan kuu galnay wanaag mar kale) markay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korin (nuujineysa)? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin1, waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, Waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Waxaadna halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow!.