Sulaymaan (waxaan u sakhirnay) dabeysha1, in bil loo socdo ku maraysay aroornimada (ilaa duhurka), in bil loo socdona ku maraysay (duhurka ilaa) galabnimada, Waxaana u dareerinnay il nuxaas (maar) ah. Waxaana ka mid ahaa jinka kuwo u shaqeynayey idanka Rabbigi, mid kastoona ka mid ah oo ka leexday Amarkayaga (aan ku amarnay inay adeecaan Sulaymaan ah) Waxaanu dhadhansiin cadaabka gubashada.