Haddaan dhadhansiinno naxariis Xaggayaga ah kaddib dhibaato taabatay, wuxuu odhan: Kan anaa leh1, mana filayo inay dhici Saacadda (Qiyaame), haddii la ii celiyona xagga Rabbigay, waxaan ka heli agtiisa wanaag. Waxaan u sheegi kuwa gaaloobay waxay faleen, waxaana dhadhansiin Cadaab Adag.