Xaggiisaa loo celiyaa cilmiga Saacadda (Qiyaame)1, kamana soo baxaan wax ka mid ah midhaha galalkooda, mana jirto dheddig uur qaaddaa, kumana dhasho waxaan aheyn Ogaalkiisa. Maalinta markuu u yeedhi: Meeye kuwaad ila wadaajiseen (cibaadada)2? Waxay odhan: Waxaan ku ogeysiin naguma jiro mid ka markhaati kici (inay yihiin shariigyadaada).