Sadaqooyinka (Zakada1) waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwa lagu howl galiyo inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa wax ku leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Alle (jihaadka), iyo musaafirka (go’doonsan), waa faral Alle uu gooyay. Allena waa wax kasta Oge, Xakiim ah.