Markase ay Bilaha Xurmadda leh baxaan1, ku dila mushrikiinta (idiinka
baxay heshiiska) meeshaad ka heshaanba, oo qafaasha oo go’doomiya, una fariista suryo walba. Hadday toobad keenaan oo oogaan salaadda, oo bixiyaan Zakada, u banneeya waddadooda. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.