Haddaydaan u hiillin (Nabiga, diinta Islaamka), Alle baa u hiilliyey, markay debedda u soo saareen gaalada, isagoo labo midkood ah1 markay labaduba ku jireen hogga, markuu (Nabigu) ku lahaa saaxiibki: Ha murugoon, Alle baa na la jira'e. Kolkaas buu Alle ku soo dejiyey xasillooni, oo uu ku xoojiyey ciidammo (malaa’ig) aydaan arkin, oo ka dhigay mid hooseysa kelmedda gaalada, oo Kelmedda Alle2, waa taa sarreysa, Allena waa Adkaade, Xakiim ah.