Dheh: Hadday aabbayaashiin, wiilashiinna, walaalihiin, xaasaskiinna, xigtadiinna; maal aad tabcateen, ganac aad uga baqeysaan iibsi la’aan, iyo guryo aad ka raalli tihiin ay idinkala weyn yihiin oo ka jeceshihiin Alle iyo Rasuulkiisa, iyo u jihaadka Jidkiisa, marka suga inta Alle ka fuliyo Amarkiisa. Alle ma hanuuniyo qoloda caasiyaasha (macangagga) ah1.