Kuwa (Xaqa) rumeeyow! U toobad keena Alle toobad san, si uu Rabbigiin idiinka tirtiro xumaatooyinkiinna, idiin geliyona Beero ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, Maalinta uusan Alle hoojineyn Nabiga iyo kuwa (Xaqa) la rumeeyey, Nuurkoodu socon hortooda, iyo xagga gacmahooda midig, waxay odhan: Rabbigayow! Noo dhammeystir Nuurkayaga oo noo ceeb astur. Adigu wax walba waad Kartaaye.