Haddaad arki lahayd markay denbiila- yaashu hoos u rogi madaxyadooda Rabbigood horti (iyagoo leh): Rabbigayow! Waan aragnay (Xaqa aan beenineynay) oo maqallay (rumeyntaada waxay Rusushu la yimaadeen), ee dib noogu celi (adduunka), waxaanu fali camal san, haatan waanu yaqiinsannaye.