(Xus) markuu Ciise, wiilkii Maryam, yidhi: Ilmahii Israa’iilow! Waxaan anigu ahay Rasuul Alle xaggiinna loo soo diray, rumeyn Towraadda (la soo dejiyey) hortay, idiinkuna bishaaraynaya Rasuul imaan gadaashay oo magaciisu yahay Axmad1. Markiise uu ula yimid Xujooyin cad, waxay yidhaahdeen: Kanu waa sixir cad.