Kuwa aan siinnay Kitaabka1 waa ku farxaan waxa lagugu soo dejiyey, waxaase ka mid ah xisbiyada (Yuhuudda iyo mushrikiintaba) kuwa diida qaarki. (Nabiyow) dheh, "Waxaa sideedaba la i amray inaan caabudo Alle Keliya oo aan waxba la wadaajin (cibaadada). Isagaan (idiin) ku baaqaa, waana Xaggiisa noqodkeyku (aan u toobad keeno)".