Ma mid Isagu dhowra naf walba oo ogsoon waxay kasbato (baa la mid ah kuwo aan waxba ogeyn)? Sidaa oy tahay, waxay u yeelaan shariigyo xagga Alle. Dheh: Magacaaba! Mise waxaad Alle u sheegeysaan wax (ilaahyo kale) uusan ku ogeyn dhulka, mise waa wax iska hadal afka baarki1 ah. Mayee! Tabahooda xun baa loo qurxiyey gaalada, waxaana laga duway Jidka (Toosan ee Islaamka), qofkiina Alle uu lumiyo2, ma laha wax hanuunin.