Sidaasaan kuugu soo dirnay ummad dhexdood ay horteed ummado kale tageen, si aad ugu akhrido waxaan kuu waxyoonnay, iyaguna waxay beeniyaan Raxmaanka (Allaah). Dheh: Waa Rabbigay! Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Isaga, Isagaan isku halleeyaa oo tala saartaa, waana Xaggiisa noqodkeyga (toobadeyda).