Dheh: Waa kuma Rabbiga samooyinka iyo arlada? Dheh: Allaah. Dheh: Ma waxaad haddaba yeelaneysaan Alle ka sokow
awliyo (gargaarayaal) kuwaasoo aan u hanan karin wax awood ah ay wax ugu taraan ama wax ku yeelaan nafahooda? Dheh: Miyey siman yihiin kan indhaha la’ iyo kan wax arka? Ama ma sinnaan karaan Mugdiyada iyo Nuurka? Mise waxay la barbar dhigaan Alle shariigyo abuuray wax la mid ah abuurkiisa1, oo waxaa isaga ekaaday abuurkii? Dheh: Alle waa Abuuraha wax waliba. Waana Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta, isla weynayaasha iyo cadowyadiisa).