Kuwa gaaloobay acmaashoodu waa sida dhalanteed ka muuqda bannaan dhul siman, oo uu kan oommani moodo biyo, jeer markuu yimaado waxba aanu ka helin1, oo uu halkaas ka helo Alle oo abaal marsha una oofiya si dhan xisaabtiisa, Allena wuu ku Dhaqsi Badan yahay xisaab qaadista.