Alle waa Nuuriyaha1 samooyinka iyo arlada, tusaalaha Nuurkiisa2 waa sida feynuus uu ku jiro nal, nalkuna uu ku jiro dhalo3, dhaladana la moodo xiddig kaah badan, laga huriyey geed barakaysan, geed-zaytuun aan bari ahayn iyo galbeed midna, ay saliiddiisu u dhowdahay inay iska ifto walow uusan dab taaban, nuur lagu kordhiyey nuur, Alle wuxuu ku hanuuniyaa Nuurkiisa qofkuu doono. Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka, Allena wax walba waa Og yahay.