Waxaad ku dhahdaa mu’minaatka ha ka laabeen aragyadooda (xaaraanta) 1 hana ka ilaaliyeen xubnahooda gaarka ah (galmo xaaraan ah iyo inay soo bandhigaan cowradooda), yeyna muujinna quruxdooda 2 wixii iska muuqda maahee3, hana ku soo dadaan hagoogtooda luqumahooda dushooda iyo laabahooda, yeysanna u muujin quruxdooda (dhan ee qarsoon) waxaan aheyn nimankooda qaba, ama (wax ka mid ah quruxdaa sida wejiyadooda, luqumahooda, iyo gacmahooda oo qudha) aabbayaashood, ama aabbayaasha nimankooda qaba, ama wiilashooda, ama wiilasha nimankooda qaba, ama walaalahood, ama wiilasha walaalahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan, ama kuwa raacsan ee labka ah oo aan laheyn haweysi dumar4, ama ilmaha aan weli yeelan dareen ay ku fiirsadaan cawro dumar. Yeysanna ku garaacin (dhulka) lugahooda si loo ogaado waxay qariyaan oo quruxdooda ah. Una toobad keena Alle idinkoo dhan, mu’miniintoy aad liibaantaane.