Meel kastoo aad joogtaan geeridu way idin haleeli, xitaa haddaad ku jirtaan daaro dhaadheer oo la adkeeyey. Hadday haleesho wanaag, waxay yidhaahdaan: Tani waa xagga Alle. Haddiise ay ku dhacdo xumaan, waxay yidhaahdaan: Tani waa xaggaaga. Dheh: wax walba waxay ka yimaadaan xagga Alle, ee maxaa ugu wacan dadkani in aanay ku soo dhowaanba inay fahmaan hadalka?