Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Ha u dhowaannina salaadda idinkoo sarkhaansan1 jeer aad u kastaan (si wanaagsan) waxaad ku hadleysaan, ama idinkoo janaaba (qasli) qaba inaad jid gudbaysaan maahee jeer aad ka meyrataan (janaabada). Haddaad tihiin kuwo buka ama safar ah, ama uu ka yimaado mid idinka mid ah saxaro, ama aad taabateen haween2, oo aydaan heli karin biyo, ku gagabeysta carro daahir ah, markaa ku masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan.