Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ahaada kuwo u taagan caddaaladda oo u marag fura Alle darti uun, nafahiinnaba lidkeed ha ahaatee ama waalidkiin ama qaraabada, hadduu yahay hodan ama faqiir, Alle baa ka mudnaansho badan oo dantooda yaqaan. Ee ha raacina hawada nafta si aydaan uga iilan (Xaqa), haddaadse iilataan ama jeesataan1, Alle waa u Xog ogaal waxaad fashaan.