Waxay ku weydiin xukun ku saabsan haweenka (iyo maalkooda dhaxalka ah), dheh: Alle baa idiin sheegi xukunka arrinkooda1, iyo arrinka waxa la idiinku akhriyo Kitaabka oo ku saabsan gabdhaha agoomaha ah oo aydaan siin saamiyadii loo gooyey (ee dhaxalka, idinkoo dooneyn inaad guursataan, una diidaya inay guursadaan rag kale damac idiinka jira maalkooda darteed, marka waa inaydaan sidaasi yeelin )2, xagga arrinka kuwa tabarta yar ee ka mid ah carruurta (waa inaad siisaan xuquuqdooda) iyo inaad ku dhaqdaan caddaalad agoomaha. Waxaad fashaan oo khayr ahna, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.