Waxaa idiinku sugan ku dayasho wanaagsan Ibraahiim iyo kuwii la jiray2>1, markay ku yidhaahdeen dadkoodii: Innagu barii baan idinka nahay idinka iyo waxaad caabuddaan Allaah sokadi, idin diidnay, oo cadaawad iyo naceyb baa ahaaday dhexdeenna innaga iyo idinka abad ah jeer aad rumaysaan Allaah keliya - marka laga reebo qowlkii Ibraahiim ku yidhi aabbihi: Waxaan kuu baryayaa denbi dhaaf Alle4, umase lihi wax awood ah aan wax uun kaaga qabto Allaah horti. Rabbigayow! Adigaynu isku kaa halleynaa oo ku tala saarannaa, oo Xaggaaga u soo laabannaa, waana Xaggaaga noqodka dambe.