Heli meysid qolo rumeysan Allaah iyo Maalinta Aakhiro haddana jecel kuwa colaadiya Allaah iyo Rasuulkiisa, haba ahaadaane aabbayaashood ama wiilashooda ama walaalahood ama qaraabadooda; kuwaa weeye kuwa uu (Alle) quluubtooda ku qoray Iimaan, uuna ku xoojiyey Ruux1 (hanuun) Xaggiisa ah, wuxuu galin Jannooyin (Beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan iyagoo ku dhex waari weligood. Alle raalli buu ka yahay, iyaguna raalli bay ka yihiin. Kuwaasu waa Xisbiga Alle. Ogaada, hubaal, Xisbiga Alle waa iyaga liibaanayaasha.